Cadil Imaam Oo Ka Walwalsan Xalada Ay Ku Sugantahay Masar

2012-12-02 13:02:56


Fanaanka caan ku ah shactirada iyo qosolka Cadil Imaam ee u dhashay dalka Masar ,ayaa  sheegay in uu aad ugu xunyahay xaalada mantay ay ku sugantahay Dalka Masar ee is jiid jiidka iyo isqabqabsiga ah.

Cadil Imaam ayaa hadalkiisa ku sii daray in wax lala yaabo ay tahay dadka hadalada aan salka iyo raadka toona laheen soo galiyo suuqyada ama u sheego warbahinta ,isaga oo beeninayay hadalo been abuur ah oo laga sheegay Fanaanka.

Fanaanka aya beeniyay in uu ka cararayo dalka Masar una cararayo dalka Faransiiska,waxuuna cadeyay  inta noloshiisa ka dhiman usan meel uga socon dalka Masar walibana ku dhiman doono masar kuna noolaan doono.

Filmsheeg0@gmail.com

Filmsheeg.com

info@filmsheeg.com
Comments