Fanaanka Codka Macaan C/Fitaax Yare, iyo Kooxda DurDur ee magaalada London ayaa hees live ah si cajiib ah ugu wada bashalay.
Heesta ayaa ah hees hore loo qaday waxaana lagu Magacaba ‘’ Malab La Miiriyo” waxayna dad badan soo xasuusiyay fanaanka C/Fitaax Yare xiligii bari samaadka oo heesa live loo qadi jiray .
Burburkii dalka ka dhacay waxuu dhamaan la burburay wax walbo ay Soomaali laheyd ha ahaato hanti ,dhaqan iyo wax walbo.
Fanka Soomaaliya oo ahaa xiligii dowlada dhexe fan xoogan oo leh murti iyo maamul,ayaa hadda noqday fan aan jirin waxuuna ku soo aruuray in fanaan waliba ku heeso Music garacan oo lagu duubay CD.
C/Fitaax Yare ayaa ah fanaaniinta qurbaha ku soo baxay waxuuna qaab ahaan shabaha fanaankii weynaa Allaha u naxariiste Cumar Dhuule Cali (Cumar Mahdi) ,isaga oo marmar qaaday heesihii uu ka tagay fanaankaasi
Filmsheeg@gmail.com
Halkaan Ka Daawo Live Music C/fitaax Yare Iyo Koxda DurDur
info@filmsheeg.com
Farxiya Fiska oo Qabsatay Qalbiga Muqayiliinta + Video
Sahruuja Oo Ka Furatay Ninkii Soo Saaray ee Ibrahim Eagle
Xaaska Ra,iisulwasaare hore C/wali gaas oo ka maseyrtay Ubaxa Guduudan oo la guddoonsiiyay 